Mashruuca

Gelidda Kaydka Soomaaliya
(oo marti ku ah kaydka Furan
ee Jaamacadda
Università Roma Tre)

Kaydka qoraallada xogwarranka ah oo ku saabsan Soomaaliya oo qayb ka ah Geeska Africa, wuxuu ka dhashay qorshe howleedkii Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed (XCS) ee jaamacadda “Università degli Studi Roma Tre”. Hawshan oo laga dhex helo internet-ka waxay ka koobantahay:

  1. Dhammaan qoraallo nooc walba ah ee haatan ku sugan XCS, oo ay Soomaaliya ka soo aruuriyeen cilmibaariyayaashii kooxda Cilmibaarista Soomaaliyeed iyo bareyaal kale oo sannadihii iskaashiga (taliyaanigu) uu la lahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Akedemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee Muqdisho. Macluumaad kale ayaa jira oo soo bandhigay niman, ama macluumaad si dhaxal ahaan ay u haleen shakhsiyaad ay horay uga hawlgaleen Soomaaliya.
  2. Mirihii cilmibaarista la xiriira Soomaaliya oo la horumariyay sannadaha 1970, gaar ahaan xagga afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, sidii sekterrada kale ee culuunta.
  3. Macluumaad waxbarasho oo qaarkood lagu soo saaray wada shaqaynta isakaashiga (taliyaaniga) iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Moqdisho, qaarkoodna loo adeegsan jiray dugsiyada Soomaaliyeed, kaddib markii af Soomaaliga laga dhigay afka qaranka (1972).

Wajigii labaad, kaddib codsi ka yimid madaxda Soomaaliya, waxaa kaydka lagu kordhiyay qeyb kala oo ku saabsan Faafinta Shuruucda Soomaaliyeed ee la soo saaray 1950 ilaa 1989. Sidaa darteed, kaydku wuxuu u qaybsan yahay laba qaybood;

  • Kaydka Guud
  • Kaydka Sharciyada Soomaaliya.

Kaydka Soomaaliya wuxuu ku dhex jiraa ‘Sistem’-ka  Maktabadda (SBA) ee Jaamacadda Roma Tre, ee ArcAdiA.

Waxaa halkan loola jeedaa qoraallo aan si fudud looga helayn iyagoo ku qoran af Soomaaliga, iyo buugag dugsiyadeed oo aan haatan badanaa laga helaynin gudaha Soomaaliya; qoraallo fargacmeed ah oo aan weli la daabacin (maansooyin, maahmaahyo la soo ururiyay iwm.); cajalooyin siddeetameeyadii laga duubay odayaashii Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo mawaadiicdooda ku saabsan hiddaha iyo dhaqanka; mawduucyo kala duwan, musikada dhaqanka oo duuban, video, sawirro iwm.