Ulajeedooyinka

Kaydkan ‘internet’ wuxuu door lixaad ka qaadanayaa laba ariimood oo kala duwan:

  1. Kaydinta iyo xusuusta tagtada;
  2. Rajada mustaqbalka iyo suurtaggelidda dibudhiska.

Ulajeeddadiisi ugu weyn waa sidii looga dhigi lahaa wax cid waliba ay internet-ka ka daalacsan karto macluumaadka xambaarsan kaydka, una noqda xarun laga faafiyo macluumaad ay diyaariyeen dadka doonaya in ay u soo bandhigaan bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba. Kaydka waxaa si toos looga daalacsan karaa si online ah, lagana soo degsan karaa macluumaad kasta iyo faylasha laga dhex helo.